Allbanaadir.com
NEWS

Deeq ka timid Madaxweyne caan ah oo laga qeybiyey gobolka Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Ciidamada Uganda ee ku sugan degaanka Golweyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa raashin gargaar ah waxay u qeybiyeen qoysas dan yar ah oo deggan magaladaas.

Deeqdaas ayaa loogu talo galay dadka danta yar in ay ku afuraan, waxayna ka timid Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, iyada oo  loo soo marsiiyay ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii deeqdaas la gaarsiiyey ayaa dowladda Uganda uga mahad celiyey deeqdaas, iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqtigii loogu talo galay.

AMISOM ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxa ay deeq kala duwan gaarsiiyeen qoysas ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin 10 sano oo xabsi ah & ganaax ku muteystay hadal uu ku qoray baraha bulshada

Caydiid Ali

Donald Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---