Dowlada Somalia oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Xarunta TV-ga Universal

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay weerarkii Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya saaka ku qaadeen xarunta Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku cambaareeyay weerarka waxa uuna ku tilmaamay fal aad u xun lana baari doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed

“Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in falkaan lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal ay baarayaan taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya warna laga soo saari doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo ku kalsoon in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed. “Waxaan maamulka iyo shaqaalaha telefishinka u xaqiijinayaa in ay caddaaladda wajihi doonaan kuwa ku eedeysan falkii saaka, waxaana ku bogaadinayaa adkeysiga ay muujiyeen iyo in aysan hawshii uu telefishinka u hayay bulshada ay halkeeda kasii socoto” ayuu ku soo gaba-gabeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Internet-ka soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -