Odayaasha soo xulaya Baarlamanka Galmudug oo la xareeyey (Daawo Sawirro)

Guddiga farsamada iyo dhismaha Maamulka Galmudug ayaa xareeyey inta badan Odayaasha laga sugayo inay soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Munaasabad lagu soo dhaweynayey Odayaasha saxiixayaasha Galmudug, isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug waxaa uu uga digey in muran la geliyo 20-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug laga siinayo Ahlusunna, isagoo ku booriyey iney waajibaadkooda u gutaan si hufan.

Waxa uu sheegay in culeys badan uu ka dhashay dhismaha Galmudug loo dhan yahay, sidoo kalena ay adkaatay hirgelinta heshiisyo dhacay, waxaana Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayuu ugu baaqay in si toos ah Ahlusunna loo siiyo 20 Xildhibaan ee looga balan qaaday Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Odayaasha ayaa lagu wadaa iney 24-30 Decembar soo gudbiyaan liiska Xildhibaanada, waxaana fadhiga ugu horeeya uu Baarlamaanka cusub yeelan doonaa 31 Decembar oo ah maalinta dhaarinta Baarlamaanka Labaad ee Galmudug iyadoo 9-ka Janaayo ee sanadka cusub ee 2020-ka la dooran doono madaxweynaha cusub ee maamulkaas sida ku xusan jadwalka guddiga farsamada dhismaha Galmudug uu soo saaray xalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -