Al-Shabaab oo dad Kenyan ah ka soo qafaashay duleedka Magaalada Wajeer

Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa afar qof waxay ka afduubteen duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in afarta  qof ee la afduubtay ay ahaayeen shaqaale dhisme oo ka howlgalayay magaalada Wajeer.

Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer Cumar Bijaa ayaa shaaca ka qaaday in shaqaalaha dhismaha ay wateen gaari dul banaan ah, isla markaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba iyo Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer.

Cumar Bijaa ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna uu cagaha wax ka dayay.

Booliska Kenya ayuu sheegay iney wadaan howlgal lagu dabagalayo kooxda afduubka geysatay oo laga cabsi qabo dadka ay wateen iney ka talaabeen xadka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -