Duqii Magaalada Nairobi oo xabsiga la dhigay iyo xog ku aadan sababta

Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.

Nuuradiin Xaaji oo ah Dacwad oogaha guud ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi, isagoo intaas ku daray in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.

Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaanna la xiriira arrintan.

Sonko ayaa su’aalo laga weydiin doonaa lunsashada lacag gaareysa Sh 357 million, oo ka mid ah dhaqaalaha ismaamulka, lacagtaasoo la waayey meel ay ka baxday mudadii uu xilka hayey Sonko.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -