Congreska Maraykanka oo u codeeyey in xilka laga qaado Madaxweyne Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka Wakiilada ama ongreska Mareykanka.

Codbixintii qodobka koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane oo iyagu diideen.

Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ama Senetka, kaasoo go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona xil ka qaadistiisa.

Kongreska ayaa u codeeyay laba dembi oo kala ah in Madaxweyaha uu ku takri falay awoodda xafiiska iyo inuu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka.

Labada arrimood ayaa ahaa ah kuwa salka ku haya arrimo xisbi, oo waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuurigana ay kasoo horjeedsteen.

Aqalka sare ama senetka ayaa waxaa ku badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Trump, waxaana la aminsan yihiin in ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay Trump ku sameyeen Kongreska.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongreska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -