Ciidamada Liyuu Boolis oo dil & dhaawac bareer ah u geystay dad shacab ah

Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad Degaanka Soomaalida ayaa dil iyo dhaawac u geystay dad Shacab ah oo ku sugnaa degaano ka tirsan xadka Itoobiya la wadaagto Somaliland sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ciidamada ayaa weeraray degaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay oo dhaca xadka Somaliland, iyagoo halkaas dilay hal ruux halka laba kalena ay dhaawaceen.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii muran uu dhexmaray ciidamada iyo dadka rayid ah, taasoo keentay in Ciidamada liyuu Boolis ay furaan rasaasta waxyeelada geysatay.

Meydka qofka la dilay ayaa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta degaanka Soomaalida halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka degaanka Allay-baday dhinaca Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta ku fool leh goobta ay ciidamada Liyuu Boolis dadka shacabka ah ku rasaaseyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -