Ciidamada gaarka ah ee PSF oo fashiliyay qaraxyo miino (Daawo Sawirada)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ayaa ku guuleestay in ay fashiliyaan qaraxyo miino oo lagu aasay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgal ay ciidamada loo yaqaan PSF ka sameeyeen magaalada Boosaaso ayey kusoo saareen labo qarax miino oo lagu aasay qeybo kamid ah Boosaaso, waxa ayna ciidamada si nabad galyo ah u qarxiyeen miinooyinka lasoo saaray.

Ciidamada ayaa miinooyinka kasoo saaray meel ku dhaw Shirkada Isgaarsiinta Golis xarunteeda Boosaaso halka qaraxa labaad laga soo saaray meel ku dhaw Hotelka Jubba ee Boosaaso.

Saraakiisha laamaha amaanka gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxyadan la fashiliyay la doonayay in lagu waxyeeleeyo dad aan dambi galin, waxa ayna sheegeen in ay socon doonaan howlgalo ka dhanka ah kooxaha nabada kasoo horjeeda.

Magaalada Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay masuuliyiin iyo ciidamo, waxa ay sidoo kale ciidamada amaanka fashiliyeen qaraxyo kale oo qeybo kamid ah magaalada lagu aasay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -