Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqeyn culus oo ka dhacday Laascaanood iyo abwaan caan ah oo ku dhintay

Ciidamada Somaliland ayaa galabta madaafiic ku garaacay qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo mudooyin aheyd goob colaadeed.

Duqeymaha ayaa ciidamada Somaliland waxay u adeegsanayeen hoobiyeyaal iyo madaafiicda waaweyn iyagoo la beegsaday goobaha dadka rayidka ah sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa iney geysteen duqeyntan inkastoo aan faahfaahin laga heli karin.

Dadka ku naf waayey Madaafiicdaas ayaa waxaa ka mid ah abwaan Jaamac Kediye oo ka tirsanaa abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Geerida abwaan Jaamac Kediye oo si weyn looga naxay ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, welina geeridiisa kama hadlin Maamulka SSC iyo kan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Somaliland oo War ka soo saaray muddo xileedka dhamaaday ee Muuse Biixi

Caydiid Ali

Xiisad dagaal oo saaka ka taagan Magaalada Garowe iyo Tacshiirad la maqlayo

Caydiid Ali

Trudeau oo awood dheeri ah u adeegsanaya dibed baxyada ka socda dalkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---