Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar oo kiis culus dhexda ka fadhiistay & baaritaan bilowday

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar S/Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeynayaa inuu Isbitaalka ku yaalla Muqdisho kala baxay Xasan Kurtun Calasow oo ahaa Maxbuus xabsiga dhexe ku xanuunsaday kaasoo dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen ineysan waxba ka qaban karin.

Ehelada Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanaya awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu bukaanku jiifay, uuna bukaanka ku qaatay mid ka mid ah gawaarida gargaarka oo sitay astaanta Ciidamada Asluubta.

Xasan Kurtun Calasow ayaa ku jiray xaalad Miyir beel ah (Coma), waxaana taliyaha lagu eedeeyey inuu amray in laga furo faleebooyinka iyo dawooyinka uu qaadanayey isagoo ka dibna ku celiyey xabsiga Dhexe.

Video qoyska bukaanku duubeen markii uu taliyaha falkan sameynayey ayaa waxay ku sheegeen in taliyuhu awood u sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankan haddii uu geeriyoodo.

Waxaa ka muuqda Video-ga Taliyaha Xisbiga dhexe oo gelbinaya bukaanka oo lagu wado Sariirta bukaanada kaasoo la saaray Ambalaas ay ku buufsantahay astaanta Ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay in 24 Saac kadib bukaankii laga soo saaray isbitaalka uu ku geeriyooday Xabsiga dhexe.

Qoyska marxuumka ayaa sheegay inaan la aasi doonin wiilkooda ilaa uu cadaalad ka helo, iyagoo madaxda Dowlada u saraysa sida Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre ka dalbaday in cadaalada la mariyo Taliyaha Xabsiga Dhexe.

Mar taliyaha xabsiga dhexe Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile laga weydiiyay eedda loo jeediyey ayuu sheegay in Xasan Kurtun Calasow xabsiga looga saaray si uusan isaga waxba ka ogeyn sidaas awgeedna uu kadaba tegey isagoo isku deyey inuu geeyo isbitaal dowladeed, waxaana uu sheegay inuu dhigay Isbitaalka Martiini kaddibna bukaanku uu halkaas ku geeriyooday.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xeer illaalinta Qaranka iyo hay’adaha caddaaladda ayaa hadda la wareegay Kiiska geerida maxbuus Xasan Kurtun Calasow sida wararku sheegayaan, waxaana ku socda baaritaano culus, iyadoo arintan si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyadoo dadku ay aragtiyo kala duwan ka bixinayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Guri kuyaala Muqdisho oo mudo 30-sano xoog lagu heestay oo maanta la wareejiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulamo xasaasi ah ku leh Garoowe

Caydiid Ali

Hay’adda Duulista Rayidka Somalia oo digniin kama dambeys ah siisay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---