(Akhriso) Tirada Weriyeyaasha caalamka lagu dilay sanadkan sii dhamaanaya ee 2019

Hay’adda Suxufiyiinta aan xudduudda lahayn ee RSF ayaa sheegtay in caalamka sanadkan sii dhamaanaya lagu dilay 49 Wariye, taasoo ah heerkii ugu dhimashada hooseeyay 16-kii sano ee la soo dhaafay.

Warbixin ay soo saartay RSF ayaa lagu sheegay in sanadkan 2019 uu kordhay xariga wariyeyaasha, iyadoo xabsi la dhigay tiro gaareysa ilaa 389, taasoo ka dhigan in 12% xarigga wariyeyaasha uu sare u kacay.

Wariyeyaasha 49-ka ah ee la dilay sanadkan waxay dhinteen iyagoo warar ka tebinaya dalalka ay colaadaha ka aloosanyihiin sida Syria, Yemen iyo Afghanistan.

Dhinaca kale, RSF ayaa xustay in 57 wariye la afduubtay sanadkan 2019, waxaana lagu kala qafaashay dalalka Syria, Yemen, Iraq iyo Ukraine, mana jiraan illaa hadda wax la sii daayey.

Sida ku xusan Warbixin sanadeedka RSF Illaa 80 Wariye ayaa la dilayay celcelis ahaan sanad waliba 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Toban ka mid ah Wariyeyaasha la dilay 2019 waxay ku dhinteen dalka Mexico, iyadoo guud ahaan latin America ay ku dhinteen 14 Wariye sanadkan.

Sidoo kale, wariyeyaasha la xiray sanadkan oo ku dhow 400 intooda badan waxaa lagu xiray dalalka Masar, Saudi Arabia iyo China oo sadexduba ka mid ah kuwa ugu daran caalamka ee ay ka dhacaan xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -