Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliiska oo ka hadlay Weerarkii Ciyaartoyda K/Galbeed ammarna siiyay ciidamada

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya  Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa caawa ka hadlay weerarkii kooxo aan la aqoon ku qaadeen baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda mataleysay xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed.

Taliye Sulub ayaa sheegay in baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda Koonfur Galbeed lagu weeraray dhagxaan, waxa uuna sheegay taliyaha in aan la ogeyn ilaa hadda sababta loo weeraray ciyaartoyda loona bur buriyay baskiii ay saarnaayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in weerarka lagu qaaday ciyaartoyda ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhaawacyo soo gaaray ciyaartoyda iyo sidoo kale bur bur la gaarsiiyay baskii ay saarnaayeen.

Taliyaha ayaana ku amray ciidamada booliiska in ay bilaabaan baaritaano ku aadan weerarka baska ay saarnaayeen ciyaartouyda Koonfur Galbeed lagu qaaday, ayna sidoo kale adkeeyaan amniga garoonka iyo dadka tagaya intaba.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan sharafta iyo magaca caasimadda ayna si wannaagsan usoo dhaweeyaan taageerayasaha iyo ciyaartoyda martida u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dalalka Australia, Indonesia, Malaysia & kuwo kale oo shaaciyey Maalinta ciida

Caydiid Ali

Miis uu raashin ku cunay Madaxweyne Caan ahaa oo loo daawasho tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dayuurada Droneska ee (Bayraktar TP-2) oo lagu arkay hawada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---