Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in  duqeyn ay  Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Dujumma ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ayaa shalay oo ku beegneyd 16/12/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering ayaa sheegay in weerarka ay mareykanka ka fuliyeen deegaanka Dujumma ay ku dileen sarkaal  ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta aan wax khasaaro ah lagu gaarsiinin dadka shacab ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay duqeyn ka fuliyaan deegaano dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,iyaga oo sheega inay ku dilaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -