Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Masuul 5 jeer laga celiyey garoonka Aadan cadde oo ugu dambeyn maanta ka dhoofay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Macalimu oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta Qaranka garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday iyo sida yidadiilada leh ee ku hogaaminayo dalka, gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ka dhoofo garoonka Aadan cadde anigoo xor ah, waxaana arrintaas uga mahad celinayaa RW Rooble” ayuu yiri Macalimu oo aad u faraxsanaa.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo ku baaqay in baaro qaabkii loo maareeyay Weerarkii Cowsweyne

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxdii hore ee dalka & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Imaaraadka oo si kulul uga hadashay Saraakiishii looga dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---