Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliska dalka K/Afrika oo bilaabay Raaf ka dhan ah Soomaalida (Daawo Sawirro)

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay howlgallo lagu qabqabanayo ajaaniibta sharci darada ku jooga dalkaas oo ay ku jiraan Soomaalida.

Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville oo ku taalla Magaalada Cape Town ayaa ka mid ah meelaha uu saameeyey howlgalkan waxaana la sheegay in lagu qabtay Dhalinyaro farabadan oo aan heysan Sharciga dalka Koonfur Afrika.

Goobaha Ganacsiga Soomaalida sida dukaamada dharka, kuwa lagu iibiyo allaabaha kala duwan ayaa la xirey, cabsi laga qabo Booliska.

Boqolaal qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ka mid ah dadka la xirxiray waxaana Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ay warbaahinta dalkaas u sheegeen in dadka aan sharciga heysan la siinayo Warqado fududeynaya inay helaan sharciga dalkaas.

Milkiilayaasha Hotelada ayaa sidoo kale looga digay in qof aan sharci wadan ay ka kireeyaan hoteeladooda, iyagoo digniino lagu siiyey cidii amarkaas u hogaansami weysa iney xabsi muteysan doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Golaha Ammaanka & Nabadgelyada Midowga Afrika oo Muqdisho yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

Sawir uu Trump soo dhigay Twitterka oo dhaliyay hadal heyn iyo maadeys (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xarumihii laga qaaday Ciidamadii loo daad gureeyay Guriceel oo haawanaya iyo Cabsi ka jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---