Isbadal lagu sameeyay Koontaroolada laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Habeen kahor dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku galay dhismaha Hotelka SYL oo kuyaala albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Shaki badan iyo isweediino ayaa ka dhashay sida sahlan ee dagaalyahanada Al Shababa ku yimaadeen albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna fuliyeen weerar saacado badan socday.

Ciidamada ilaalada koontaroolada laga soo galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qaarkood isbadal lagu sameeyay, waxaana koontaroolada la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay amaanka aaga Madaxtooyada u xaqiijiyaan.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ilaaliya Koontaroolada ayaa baaritaano adag marsiinaya gaadiidka doonaya in ay maraan laamiga gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .

Gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka hubeesan ayaa si gaar ah loo hubinayaa, waxaana gaadiidkaasi laga celinayaa koontaroolka hadii uusan xiligaasi la socon masuulka ay waardiyeenayaan sida Wasiiro ama Xildhibaano.

Gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka kaliya ayna la socon masuuliyiinta dowlada ayaana loo ogleyn in si sahlan ku maraan laamiga isku xira Isgooska Hooyooyinka ilaa Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee jooga koontaroolada laga soo galo Villa Soomaaliya ayaana heegan buuxa la galiyay, waxaana ciidamda diidayaan ilaalada masuuliyiinta oo markii hore fariisan jiray agagaarka Koontaroolka laga galo Villa Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa weerarkii habee hore ku qaadeen Hotelka SYL ahaa xeelad cusub oon horey looga baran, waxaana Al Shabaab markii hore hoteelada iyo goobaha kale ay weeraraan ku qarxin jireen gaari kadibna rag hubeesan gali jireen.

- Advertisement -