Sharci dejiyaal dastuurka jebinaya ma baadi goobi karaan Maqaamka Muqdisho ?

Inta aanan billaabin maqaalkan aan uga hadlayo cidda mas’uulka ka ah raadinta iyo ka hadlidda maqaamka caasimadda qaranku ay yeelanayso, waxa aan rabaa dadka Soomaaliyeed in aan xasuusiyo dhowr oraah oo caan baxay ayna kamid yihiin, “Gacan Daahir ah ayaa wax daahirisa, ninkii tiisa loogu bego ayaa taada loogu daraa, Sadaqo Guriga ayey ka billaabataa”.

Xariirka ka dhexeeya Maqaamka Muqdisho, Dastuurka iyo Sharci dejinta

Qodobka 9aad ee dastuurka kumeel gaarka ah oo ka hadlaya magaalada madaxda jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu u qoranyahay, “magaalda madaxda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waa Muqdisho. Maqaamka magaalada Madaxda federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga garayaa dib-u-eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.

Inkasta oo dastuurku sidaas u sheegayo maqaamka caasimadda iyo hab-raacyada u degsan, waxaa xoogeystay olole siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaanno deegaan doorashadoodii aan maalin gelinkeedna wax ka qaban, hadana aan diyaar u aheyn maadaama ay aaminsanyihiin in kuraasta ay ku fadhiyaan ay iibsadeen mustaqbalkana soo iibsan doonaan.

Xildhibaan Muxuu yahay?

Xildhibaan waa mudane ka tirsan Baarlamaan kuna metela bulshadii soo doortay, kana shaqeeya horumarinta deegaanka laga soo doorto si adeegyada dowladdu bixiso loo gaarsiiyo. Si kale hadii loo dhigo xildhibaanku waxa uu ka tirsanyahay golaha sharci dejinta dalka, waxaana ugu wayn shaqada laga doonayo in uu ku mashquulo sharciyada baarlamaanka hor yaalla iyo ka qayb qaadashada sameynta sharciyo cusub.

Xildhibaannada Maqaamka u doodaya iyo deegaannada laga soo doortay
Xildhibaannada shaqada leexsan ka dhigtay Maqaamka Muqdisho oo dhammaan mucaarad ah, waxa ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, Hir-shabeelle iyo Somaliland

Horumar ma gaarsiyeen deegannadii laga soo doortay? Si kooban jawaabtu waa “MAYA”

Galmudug oo ay kasoo jeedaan xildhibaannada ugu badan ee ololaha ku jira, waxaa mudda sedax bilood ah maamul dhisid u jooga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, inta badan xildhibaannada maqaam raadiyayaasha kama qayb qaadan dadaalka lagu dhisayo Galmudug, iyada oo la ogyahay in degmadii laga soo doortay qaar xildhibanada kamid ah ay diidantahay ka qayb galka shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, lama aaminsanyahay in iyagu diidmadaas ay abaabuleen.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo safka hore uga jira is-xilqaamayaasha, waxaa laga soo doortay Hir-shabeelle, sedax xillina waa xildhibaan walina hal ceel deegaankiisii kama qodon sida ay sheegeen dadka uu metelo, sidaas oo ay tahay, siyaasadda ka sokow waa ganacsade hanti badan heysta oo awooda in deegaankii wax badan uu ku celiyo.

Xildhibaan Cosoble ayaa bishii tagtay Muqdisho kulan ugu qabtay qaar kamid ah dhallinyada uu baarlamaanka ku metelo. Waxa uu qorshihiisu ahaa in uu ka gado fikirkiisa mucaaradnimada ah, hase yeeshee taa bedelkeeda waxaa lagu waydiiyay su’aalo uu jawaab u waayay kuwaas oo sababay in uu kulanka isaga tago caro darteedna kursigii uu ku fadhiyay ku hilmaamo cimaamadii uu watay

Bulshada ay xildhibaannadu metelaan iyo aragtiyada ay qabaan

Dhammaan xildhibaannadaan ku xiiqaya Maqaamka siyaasadeysan waxaa soo doortay ergo ay qaraabo wadayihiin kuwaas oo qaarkood ay Shabaab khaarijiyeen halka qaarkii kale maanta aad uga walaacsan amnigooda maadaama la beegsanayo, mana jiro xildhibaan maalinna isku dayay in uu hal ergo badbaadiyo oo xitaa guriga uu deganyahay keena si walaacu uga yaraado.

Marka aad wareysato ergada iyo odayaashii walaac amni kaliya ma qabaan ee waxa ay shallaay ka muujinayaan in qatartii ay qaateen natiijo wanaagsan aysan kasoo bixin, metelaadii loo baahnaana ay ka waayeen xildhibaannada inkasta oo qaar kamid ah ergadaas ay qabaan fikir kale oo ah in codkooda laga iibsaday oo markii horaba ay soo doorteen xildhibaanno horay loo soo tijaabiyay waxqabad la’aanna ku caan baxay.

Abdi Ulusow ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku qoray, “Waxaa isweydiis MPs hadaa u cararaayo dhisida Banadir State waa ku wii ka soo galay Hirshabeele ama Galmudug, markii ladoortay MPs Hirshabeele, lama arkin asaga oo kahadlaaya horumarinta dhulka uu matalo, mise waxaa lagaaray waqtigii loo ololeynaayey doorasho kale taasi macneheeda waxey sheegeysaa Maahmaahdiii African ka aheyd “Be careful when a naked person offers you a shirt” .

Baaqashada Kulamada Baarlamaanka iyo Kooram la’aanta

Xisaab ma laha kulamada baarlamaanku lahaa ee u baaqday soo xaadirid la’aanta mudanayaashii uu kulanku ku furmi lahaa.

Hadii ay wax qabad ka tahay raadinta maqaamka caasimadda, sow ma aheyn waxa ay awoodaan oo shaqadooda ah in ay ka shaqeeyaan oo kulamada baarlamaanka si joogta ah u yimaadaan ka shaqeeyaan ansixinta sharciyada sannadada hor yaalla baarlamaanka ee muhiimka u ah sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Maqaamka Caasimadda iyo Labada Gole

Sida lagu qeexay qodobka sagaalaad ee dastuurka ee ka hadlaya maqaamka caasimadda, labada gole ayaa sharci gaar ah kasoo saaraya, iyada oo taas la tix raacayo maqaam raadiyaashu sow uma wanaagsaneyn in ay baarlamaanka arrinta kusoo karkariyaan qaabka ay doonaanna u dhigaan, mise aniga ayaa qaldane shaqo kama aha ee wadadii mucaaradnimada ayaa meesha ka gashay?

Muhiimadda ay leeyihiin sharciyada baarlamaanka Horyaalla

Golaha shacabka waxaa hor yaalla hindise-sharciyeeda dhowr ah oo xukuumaddu u soo gudbisay si ay uga doodaan kadibna u meel mariyaan, shacabkana loou adeego, waxaana aad u yar shaciyada ay ansixiyaan, halkaas oo laga dheehan karo in xildhibaannada sharci darrada raadinaya ay gebeen shaqadii ay ku sharfanaayeen ee sharcigu u ogolaa.

Lacagta Loo isticmaalayo shirarka iyo baahida deegaan doorashadii Xildhibaannada

Shir kasta oo dhaca waxaa ku baxa lacag badan oo baahi wayn looga qabay deegaan doorashadii xildhibaannada aan gadaalba maalin fiirin.

Gunaanad:

Sharci dejiyuhu waa in uu sharciga u hoggaansamo oo dastuurkii lagu dhaariyay uusan garab marin, si bulshada kale ay ugu dayato, dalkuna uga boxo is-barbar yaaca laga dhaxlay burburkii dowladnimo.

Bulshada Soomaaliyeed iyana waa in ay dastuurka aqriyaan si ay uga feejignaadaan waxa ay u sheegayaan siyaasiyiinta iska dhigaya in ay xuquuqdooda raadinayaan hase yeeshee xagal daacinaya horumarka la hiigsanayo.

Dadka iyo dalka waxaa isku haya dastuurka u qoran oo ah hab-marinka iyo hagaha bulshada, sidaa darteed isna waa in lagu dadaalo in la qabya tiro si meesha looga saaro gacan togaaleysiga iyo qowleysiga.

W/Q Cabdiraxman Macalin Xuseen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -