Roobab daadad wata oo ku dhuftay Puntland iyo isgaarsiinta oo go’an

Illaa xalay iyo maanta waxaa degaanno ka mid ah Puntland ka da’aya roobab dabeylo iyo daadad wata iyada oo meelo badanna ay is-gaarsiintu ka go’day

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah meelaha Saamaynta ay roobabkan ku keeneen. oo mudo tobon saac ayay magaaladu korontadu ka maqnayd.

Roobabkan ayaa yimid xili Duufaanta Pawan la sheegay iney ku soo wajahantahay xeebaha Soomaaliya. Waxaana la soo sheegayaa iney duufaanta maanta oo Sabti ah soo gaari karto deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaan Eyl.

Shacabka deegaanadaasi waxaa lagula taliyey iney badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan.

Magaalooyinka uu hadda roobku aad uga da’ayo waxaa ka mid ah Magaalada Eyl oo sidoo kale ka mid ah meelaha laga digayo inay duufaantan ku dhufato.

Gudoomiyaha magaaladaasi Muuse Cismaan Yusuf, ayaa sheegay in magaalada Eyl saacadihii ugu dambeeyay ay roobab xooggan ka da’ayeen.

“Xalay ayaa roob nagu bilaabay marba marka ka dambeyso na wuu soo xoogeysanayaa, togana biyo aad u badan ayaa maraya, beerihii waa la tagay, is-gaarsiintana way xuntahay”,ayuu yiri Muuse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -