Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay Kate Foster (Sawirro)

Madaxwynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo duulimaad ka bilaabeysa Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ka hadashay qorshe la doonayo in looga tarxiilo Mareykanka

Cabdi Cade

RW Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii dalalka Switzerland & Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---