Haweeney Shacab ah oo dil ka geesatay Saldhig booliis oo kuyaala Muqdisho

Haweeney shacab ah ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe fal dil ah u geesatay askari booliis ah oo katirsanaa saldhiga Galbeed ee kuyaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay haweeneydan ayaa la sheegay in ay u tagtay askari ilaalo ka hayay saldhiga ayna ka qaadatay qoraygii uu watay kadibna halkaasi ku dishay, walina lama oga sababta haweeneydan askariga u dishay.

Ciidamo booliis ah oo kusoo baxay xabada askariga lagu dilay ayaa arkay askariga la dilay oo dhulka yaala iyo haweeney qorayga heesata, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay qabtaan haweeneydaasi dilka geesatay.’

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo dilkan ka dhacay saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay baaritaano wadaan kuna ogaanayaan waxa uu salka ku hayo dilkan.

Dilkan ayaa dhaliyay hadal hen badan oo ku aadan sida ay u fududaatay in haweeney shacab ah disho askari heegan shaqo ku jiray, waxaana falkan uu noqday mid dad badan aad uga fajaceen.

 

- Advertisement -