Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyyaad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay gudaha xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan fuliyay sida aan wararka ku helnay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Ninka ismiidaamiyay ayaa la sheegay in uu isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo ku sugnaa gudaha xerada, qaraxa ayaana dhacay xilli ay ciidamada ku jireen feel ayna bilaabayeen gaardis.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ka dhashay, waxaana halkaasi laga qaaday askar katirsan ciidanka xoogga oo waxyeelo xooggan uu kasoo gaaray qaraxa.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano, mana jiro ilaa hadda faah faahino badan ay laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxan dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilka Abuubakar Al Bagdaadi oo loo hadal hayo iyo Trump oo Warbaahinta la hadlaya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kormeerkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tagay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud

Cabdi Cade

Miisaaniyadda sanadka 2018 ee dowladda Soomaaliya oo dood dheer ka dib la ansixiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---