Garoonka B/Weyne oo dib u furmay & gargaarkii ugu badnaa oo beri laga dejinayo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu beri gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka sii darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.

“Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan uu ka dhacay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasoo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu.

“Runtii dadku waxa ay u baahan yihiin taakuleyn, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta airport Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah inuu hadda dib u furmay, oo galabta naloo sheegay in Airport uu furan yahay, beri waxaa tegi doona wafdi balaaran oo ay xubnaha guddiga dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya  iyo dadkale oo technical ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay beri tegi doonaan oo gar gaar wada” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Dhinaca kale wasiirka ayaa digniin ka bixiyey duufaano ku soo wajahan degaano ka tirsan Xeebaha Puntland iyo Somaliland isagoo xusay in duufaantaas ay wadato roobab xoog leh iyo dabeylo saacadiiba ku socda 75km, wuxuuna shacabka ku nool xeebaha ugu baaqay iney ka digtoonaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -