Muxuu Shiikh Umal ka yiri hadalkii muranka dhaliyey ee C/raxmaan C/shakuur?

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed ayaa codkiisa ku biiriyay culimo fara badan oo aad u naqdiyay hadal muran dhaliyey oo uu mid ka mid axaadiista nebiga ka yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shiikh Umal ayaa C/raxmaan C/shakuur ku eedeeyey inuu dafiray Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday nebiga NNKH isla markaana uu ku been abuurtay culimada, isagoo taa badealkeeda amaan kala dul dhacaya haweenay gaalnimo ku waynaatey oo ula jeeday raisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Sheekh Umal ayaa sheegay in siyaasiga laga doonayo inuu ilaaliyo dhaqanka iyo soo jireenka umadda ee aanu la imaanin dhaqamada dad kale oo laftoodu ilaashanaya dhaqamadooda iyo diintooda.

Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in diinta oo lagu ciyaaro iyo axaadiista rasuulka oo la beeniyo laga dhigto jaranjaro lagu gaaro dano siyaasadeed iyo Kursi, isagoo C/raxmaan C/shakuur ku tilmaamay nin aan u qalmin inuu ummada hogaamiyo, wuxuuna ugu baaqay inuu ka towbad keeno qaladkaas uu galay ILAAHAY-na u soo laabto.

Hoos ka Daawo hadalka Shiikh Umal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -