(Sawirro) Wasiirka A/Dibadda Somalia oo kulan xasaasi ah la qaatay danjiraha UAE

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Waxay ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo ka qeyb qaadanaya kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.

Xiriirka dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Ayaan wanaagsaneyn mudooyinkan ka dib markii dalalka carabta oo ay ku jirto imaaraadka ay xiriirka u jareen dowlada Qatar, waxaana arintaas go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay dowlada Somalia taasoo ka careysiisay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Sidoo kale, DF ayaa xad gudub loo geystay qaranimada Somalia ku sifeysay talaabada Imaaraadka kula wareegay dekedaha Berbera iyo Boosaaso ka dib heshiis ay la galeen maamulada halkaas ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -