Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqortooyada Saudia Arabia oo xabsiga ka sii deysay Nasima Al-Sada

Dowlada Sacuudiga ayaa sii daysay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada laguna magacaabo Nasima Al-Sada, kaddib saddex sano oo ay xabsiga ku jirtay.

Nasima al-Sada oo deggan gobolka Qatif ee Sacuudiga ayaa u doodda xuquuqda haweenka iyo Shiicada laga tirada badan yahay.

Waxaa la xiray sanadkii 2018 Sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa hore u dalbatay sii deynteeda.

Nasima al-Sada waxaa lala xiray Samar Badawi sababo la xiriira inay u ololeynayeen xuquuqda haweenka Sacuudiga oo muddo dheer ku jiray cadaadis iyo go’doon dhinaca nolosha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Dowlad soo saartay sharcigii ugu adkaa abid ee ka dhan ah cabista Sigaarka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw imaanaya Muqdisho

Cabdi Cade

Cyril Ramaphosa oo ka digay in dalkiisa lagu xiro Madaxweyne Putin marka uu tago

Cabdi Cade
Taboola Ads ---