Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowaan askari kale ku dilay magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamada ayaa maanta dhageysatey Dacwad Ciqaabeed loo heystay eedeysane dable Xoogga C/waaxid Axmed faarax oo horay dil uga geystay Allaha u Naxariistee, Saddex Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha qeybta 21-aad

Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska Xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha sidoo kalena dhageysatey Marqaatiyaasha Ku sugnaa Goobta falku ka dhacey ayaa Dambiile C/Waaxid Ahmed Faarax ku Xukuntay Dil Toogasho ah oo Noqonaya Qisaasta Marxuum Sadax Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dil saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxii Hay’adda Verenel Association ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Caydiid Ali

Turkiga oo diyaariyey Markab shidaal ka qodaya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---