Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo diyaariyey Markab shidaal ka qodaya Somalia (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta dultagay Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya oo ku sugan badda Madow.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, oo ay socdaalka ku wehlinaayeen quburo ka socotay Dowladda Turkiga iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed ayaa la kulmay Injineerada iyo quburada qodista Shidaalka Turkiga ee Markabka Fatih, kuwaasoo kusoo wajahan Soomaaliya si ay dhawaan u bilaabaan soo saarista Shidaalka dihan ee dalkeena.

Shaqada Sahminta Shidaalka Soomaaliya oo soo bilaabatay Dhammaadkii 2024 ayaa hadda maraysa meel gabo gabo ah.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujinayso in lagu guulaystay Sahminta, waxaana taasi ka dhashay in Dowladda Turkigu ay Soomaaliya u soo dirto Maraakiibta qodista Shidaalka Soomaaliya.

Related posts

Meydadka dad kasoo jeeda Qowmiyadaha Oromada oo laga helay magaalada Boosaaso

Cabdi Cade

Qaybta 2aad :-Muxuu ahaa codkii mucjisada ahaa ee la maqashiiyay Nebi Suleymaan CS? (Qiso cajiib ah)

admin

Ciidamada Hubeesan oo laga mamnuucay in lagu dhax arko Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---