Shiikh Shariif iyo wakiilka QM oo ka wada hadlay Saddex qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madasha ayaa kulan la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta QM eek u dhex taalla xeyndaabka xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

Madaxda Madasha iyo Swan ayaa ka wada hadlay helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo process keeda la isla ogolyahay.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen wadahadallo dhab ah oo dhex mara saamileyda siyaasadeed oo ay kamid yihiin Maamul Goboleedyada, Xisbiyada, Dowladda, iyo joojinta faro gelinta Ciidanka Ethiopia ee arrimaha gudaha Somalia sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xisbiga Himilo qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -