Daawo Sawirada : Masjid la tilmaamay in uu yahay kan ugu yar Caalamka !!

Masjid kuyaala  Hyderabad, dalka Hindiya ayaa lagu tilmaamay in uu yahay midka ugu yar caalamka, waxaana masjidkan noqday mid muuqaalkiisa uu dad badan ay ku jiraan dalxiisayaal soo jiitay.

Haddii ay dhacdo inaad booqato Masjidka Mir Mahmood Saheb ee ku yaalla Hyderabad, dalka Hindiya, waxaad la ashqaraari doontaa sida farshaxanka leh ee loo qaabeeyey dhismihiisa.

Masjidkan Wuxuu fidsan yahay ballac ahaan 9.2 ft x 12 ft ama 10.21 sq. mt. Waxaana mar qura gudihiisa ku dukan kara dad gaaraya shan qofood oo kaliya, waana sababta Masjidkan loogu tilmaamo Masjidka ugu yar Caalamka.

Sida taariikhda lagu sheegay Masjidkan Waxaa la taagay qarnigii 16aad markii uu xukunka talada hayay Abdullah Qutb Shah, masjidkan ayaa waxa uu leeyahay laba minaarad.

Masjidkan kuyaala magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa ah mid aan hada si maalinle ah aan loogu dukan , waxaana uu u taagan yahay xusuus iyo raad taariikheed ahaan oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -