Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo indho fiiqis bilaash ah u sameeyey dad ku dhow kun ruux (Sawirro)

Waxaa maanta oo taariikhdu ay tahay 3da November 2019 lagu soo gabagabeeyay xaruunta isbitaalka indhaha ee Al-Nuur ee magaalada Muqdisho hawlo daaweyn, ookiyaale bixin iyo qalliin indha fiiqis lacag la’aan oo ka kala socday magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo muddo laba bilood ah.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u fuliyey hay’adda Samafalka ee Al-Nuur oo uu hoggaaminayay Prof. Cabdirisaaq Axmed Dalmar, Guddoomiyaha hay’adda Samafalka ee Al-Nuur (Al-Nur Foundation of Somalia) iyo Dhakhaatiir kale oo isugu jirta Soomaali, Pakistani iyo Turki, iyadoo mashruucan ay maalgelisay hay’adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee Turkiga (Doctors World-wide Turkey)

Muddadii shaqadan ay socotay waxaa ka faa’iidaystay:

1- Muqdisho: Baarista iyo daawaynta: 2360, Muraayadaha; 823, Qalliinka: 525 qof

2- Gaalkacyo: Baarista iyo daawaynta: 2187, Muraayadaha: 756, Qalliinka: 387 qof

Prof. Dalmar oo ka hadlay gabagebadii mashruucaan samafalka ah ayaa u mahadceliyay dhammaan hay’adihii iyo dhakhaatiirtii ka kaalmaysay fulinta hawshan, isagoo shacabka Soomaaliyeed u ballanqaaday inay sii kordhin doonaan hawshan.

“Hawshan oo ay si joogto ah uga fuliso hay’adda Al-Nuur gobollada dalka, waa markii shanaad oo sannadkan la qabanayo iyadoo ay ka faa’iidaysteen dad kor u dhaafaya 20,000 qof oo u badan barakacayaal iyo dad danyar ah kuwaasoo helay baaris iyo daawayn indhaha oo lacag la’aan ah, dadkaas 10,000 kun oo ka mid ah waxaa la siiyay muraayadaha aragga, halka 5,000 oo kale aragoodii ayaa loo soo celiyay kaddib markii loo sameeyay qalliin indha fiiqis ah bilaash ah (Cataract surgery) iyadoo kumanaan kale la siiyey dawooyin la xiriira cuduro ka haleelay arraga” ayuu yiri Dr. dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray Mashruucan samafalka ah ay horey marar badan uga fuliyeen magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Gaalkacyo iyo meelo kale ayna ku rajo weyn yihiin iney gaarsiiyaan mustaqbalka degaano cusub.

Dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u duceeyey maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Mashquul fara badan ayaa maalmahan laga dareemayey Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo buuxiyeen dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalka ay wadeen howlo ay ku baxnaaninayaan kuwa indhaha loo qalo, kuna diyaarinayeen bukaanada qaliinka ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -