Qeybta gurmadka deg deg ah ee Maamulka G/Banaadir oo heegan la geliyey (Sawirro)

Dowlada hoose Xamar ayaa soo bandhigtay dhamaan gaadiidka kala duwan ee heeganka ugu jira maareynta magaalada iyo u diyaargarowga roobabka mahiigaanka ah la saadaaliyay inuu dhawaan ka di’i doono qeybo ka mid ah dalka kaasoo la sheegay inuu wato dabeylo laga cabsi qabo inry saameyn ku yeeshaan caasimadda iyo gobolada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer uu ugu kuurgalayay xaalada caasimadda ku maray qeyba badan oo kamid ah wadooyinka Muqdisho iyadoo ay kormeer kaasoo ay ku wehlinayeen gaadiidka kala duwan ee loo diyaariyay arimaha lka xariira maareynta musiibooyinka.

Kormeerkaasi kadib waxa uu duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish booqday xarunta gaadiidka dowlada hoose Xamar booqashadaasi oo ay ku wehlinayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir waxaana uu warbixino khuseeya xaaladaha gurmadka deg dega ah iyo u diyaar garowga roobabka ka dhageestay agaasimayaasha gaadiidka iyo dabdamiska.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa kamid ahaa masuuliyiinti goobta ka hadlay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka hadlay sida ay dowlada hoose Xamar diyaar ugu tahay in ay bulshada ugu Khidmeyso si hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -