Askari Xaaskiisa ku dilay magaalada Kismaayo oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulkaasi gacanta ku dhigeen askari dil aad looga argagaxay u geestay Xaaskiisa.

Askarigan oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa habeen hore si ula kac ah magaalada Kismaayo waxa uu ku dilay xaaskiisa kadib khilaaf soo kala dhax galay .

Ciidamada amaaka Jubbaland ayaa gacanta ku haya askriga dilka geestay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Asad, waxaana war kasoo baxay maamulka Jubbaland lagu sheega in askarigan sharciga la horgeyn doono.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabayay Muxubo Maxamed Guure ayaa ehelkeeda sheegeen in Uur u laheyd askariga dilay, waxaana lamaanahan magaalada Kismaayo isku guursadeen sadex bilood kahor.

Dilka askarigan u geestay xaaskiisa ayaa si weyn looga argagaxay magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale dhacdadan si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -