Qarax weyn oo ka dhacay degmada Wanla-weyn iyo Wararkii ugu dambeeyey

Degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka dhacay duhurnimadii maanta qarax si aad ah looga maqlay guud ahaan degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda, inkastoo markii gaarigu gudbay uu dhacay qaraxa.

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah Aargada degmada Wanlaweyn ayaa waxay tahay meel aad u mashquul badan, waxaana halkaasi lagu iibiyaa Qaadka, sidoo kale waxaa ku yaalla goobo ganacsi oo fara badan.

khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah ayaa la soo sheegayaa inuu qaraxaas ka dhashay inkastoo aan tirakoob sax ah laga helin, iyadoo dadka ku dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta degmada oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wanlaweyn iyo saraakiil Ciidan ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana degan hadda xaalada goobtaas inkastoo ay ka socdaan baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -