Maamulka Puntland oo dalacsiiyay Sarkaal la nool cudurka HIV/ADIS (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan December, 01 sanad walba laga xuso maalintani adduunka oo dhan.

Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu soo saari doonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey Gaashaanle.

“Maanta waa maalin weyn, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo, micnaha in la weyneeyo maalintani waa in cid kasta oo la nool lasiiyo mooral, Isla markaana is daaweeyaan, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay, waxaan u mahadcelinayaa taliye Bashiir oo bulshadiisa wacyi-geliyey, qabtayna shaqadii hay’addaha u xilsaaraa arrintan, cudurka Alle ayaa keena si uun buuna ku yimaadaa, waxaa ceeb ah in la faquuqo walaalaheen, waa in la fahansiiyaa in cudurkani yahay wax sahlan oo la daawayn-karo”. ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay iney dhowaan soo saari doonaan xeerka xuquuqda dadka la nool Aids-ka.

“Waxaan maqli jirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuq sameeya inaan u aqoonsan doono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqi doona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka. Waxaan hortiina ka cadaynayaa in Kabtan Bashiir Cismaan Cawed aan u dalacsiinay GAASHAANLE, wuxuu ku mutaystay kartidiisa iyo bulshadiisa oo uu wacyi-geliyey” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -