Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Cudur daartay in uusan ka qeyb gelin Munaasabada 26-ka Juub

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan xalay ka qeyb gelin munaasabadda 26-ka juun oo si weyn looga xusay magaalada Muqdisho , maadaama Madaxweynaha uu hayo xanuunka Covid-19.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay in uu ka cudur daaranayo in uusan ka qeyb gelin  munaasabadda 26-ka Juun, waxa uuna xusay Madaxweynaha in uu u hoggaansamay talooyinka dhaqaatiirta caafimaadka .

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliya , waxa uumna munaasabadda 26-ka Juun owgeed ku booriyay dadka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan, waxa uuna xusay in muhiim tahay in si wadajir ah loogu istaago wax ka qabashada abaarta taagan.

 

- Advertisement -