Nabadoono dhaliilay dowlada Imaaraadka Carabta oo la dhigay xabsiga Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa xabsiga Magaalada Boosaaso ku xiray nabadoono ka tirsan waxgaradka beelaha oo dhaliilay xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowlada Imaaraadka.

Nabadoonada la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, waxayna shalay warbaahinta mariyeen dhaliil ay ka qabaan heshiisyo ay sheegeen in maamulka Puntland uu la galay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo qabtay laba nabaddoon oo xalay iyo saakay lagu xiray magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in labada Nabaddoon ee la xiray mid xalay loogu dhacay gurigiisa, kan kalena saaka laga qabtay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

Caaqil Abshir ayaa xariga labada nabadoon ku tilmaamay mid aan loo marin sifo sharci ah, isagoo sheegay inay cambaareynayaan xarigga iyo caga-jugleynta lagu hayo nabadoonada gobolka Bari ee Puntland.

Maamulka Puntland iyo kan gobolka Bari Ayaan illaa hadda war ka soo saarin xariga nabadoonadan oo caro xoogan ka dhaliyey magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -