Khilaaf ka taagan Liiska Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu khilaaf ka jiro liiska Odayaasha dhaqanka ee lagu wado in ay soo xulaan Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Wasaarada arimaha gudaha iyo guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa wada diyaarinta liiska Odaasha dhaqanka ee la filayo in lagu xareeyo xerada Shiirkole ee magaalada Dhuusomareen si ay usoo xulaan Baarlamaanka cusub.

Beelaha qaar ee dega Galmudug ayaa isku heesta odayaasha dhaqanka ee matalaya soona xulaya Baarlamaanka, waxaana Odayaasha la isku heesto ay yihiin kuwa la sameeyay xiligii la dhisayay maamulkii hore ee Galmudug iyo Odayaasha saxda ah ee hada jira.

Wasaarada arimaha gudaha iyo Guddiga farsamada oo xalay la filayay in ay soo saaraan liiska Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub ayaa dib u dhacay kadib markii beelaha qaar uu khilaaf ka dhashay Odayaasha matalaya.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo saaro liiska saxda ah ee Odayaasha la xareenayo si ay usoo xulaan Baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana la sheegay in beelaha qaar khilaafkooda la xaliyay halka kuwa kale ay wali harsan yihiin.

Wararka ana helnay ayaa sheegaya in waxyaabaha khilaafka ka jiro ay kamid yihiin in la qaato liiska Odayaashii hore ee soo xulay Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday iyo in mar kale dib u eegis lagu sameeyo odayaashii hore kuwa cusubna lagu daro.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -