Magaca iyo Sawirada ninkii ka dambeeyay Weerarkii London oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Booliiska magaalada London ayaa aqoonsaday nin shalay weerar loo adeegsaday toorey ku qaaday dad marayay buundada magaaada London, waxaana weerarkan booliiska ku tilmaameen in uu ahaa mid argagaxiso.

Weerarka ayaa la sheegay in uu fuliyay ninka lagu magacaabo Usman Khan oo 28-sano jir ahaa, ninkan ayaana horey loogu xiray dambiyo dambiyo la xariira falal argagaxiso sida booliiska sheegeen.

Taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu ayaa sheegay in ninkan weerarka geestay horey loogu helay falal argagxiso sanadkii 2012-kii xabsigana la dhigay, waxa uu xusay taliyaha in ninkan xabsiga damiin looga sii daayay bishii december ee sanadkii 2018-kii.

Booliiska magaalada London ayaa bilaabay baaritaano ku aadan ninkan weerarka geestay iyo goobtii uu kunoolaa, waxa ayna booliiska raadinayaan hadii ay jiraan dad kale oo falkan ku lug lahaa.

Weerarka toorey loo adeegsaday uu shalay ninkan ka geestay buundada magaalada London ayaa waxaa ku dhintay labo qof halka sadex qof oo kalana ku dhaawacmeen, booliiska ayaana markii dambe ninkan toogasho ku dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -