Cali Jeyte oo diiday in uu ka qeyb galo Munaasabad uu xilka ku wareejin lahaa (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.

Munaasabada uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan maamulka Hirshabelle.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa diiday in uu ka qeyb  galo munaasabada xil wareejinta, waxa uuna wali kasoo horjeedaa xil ka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle.

C/llaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay munaasabad uu maanta xilka kula wareegayay ayaa sheegay in wax badan ka qabanayo dib u heshiisiinta, Nabad galyada iyo horumarinta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa cadeeyay in Cabdulaahi Axmed maanta waxii ka dambeeya uu yahay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxa uuna faray laamaha amaanka gobolka in ay ka amar qaataan Gudoomiyaha cusub.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa xiisad ka dhalisay magaalada Baladweyne, waxaana magaalada ka socda dadaalo lagu xalinayo xiisada xil ka qaadista dhalisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -