Guddi baaritaan oo loo saaray Dacwadii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saaray xanibaad dhawaan lagu sameeyay Xildhibaanad katirsan golaha shacabka oo dooneysay in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa looga codsaday in baaritaan ku sameeyaan arintan ayna Baarlamaanka ku horkeenaan mudo labo isbuuc gudahood.

Guddigan ayaa raadin doona xaqiiqada warka ku aadan in Xildhibaan Xildhibaan Daleys Xasan Aadan ay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ka hor istaagtay safar ay ku aadeysay gobolka Gedo gaar ahaan Luuq .

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo isbuucii hore ka hadashay fadhiga Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah Hay’ada nabad sugida u gudbisay gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay talaabada la sheegay in Hay’ada nabad sugida Soomaaliya ku hor istaagtay in Xildhibaanad Qaran u diido in ay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde sabab la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -