Al-shabaab oo sheegtay iney weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamo Maraykan ah

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku weerareen kolonyo ay wateen ciidamada Kenya iyo Jubbaland oo ay la socdeen kuwo Maraykan ah.

Al-Shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxay ku sheegeen weerarka inuu ku bilowday qarax wadada la dhigay, kadibna uu xigay dagaal socday muddo ka badan saacad.

Gaari nooca Gaashaaman oo ay la socdeen Ciidamo Caddaan ah ayey Al-shabaab sheegtay inay waxyeello ku gaarsiyeen qaraxan meel ku dhow degaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jira magaalada Kismaayo.

Idaacadda Andalus ee codka Al-Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in khasaare xooggan Ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ka hadlay weerarkan ayaa isna sheegay in ciidamadoodu ay dileen laba ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, isagoo intaasi ku daray in ciidamada Jubbaland uu askari kaga dhintay dagaalkaasi.

Ciidamadii isugu jiray Kenya, cadaanka iyo kuwa Jubbaland ayaa dib ugu laabtay Garoonka dayuuradaha Kismaayo oo markii hore ay ka soo dhaqaaqeen sida ay sheegayaan wararka magaaladaas naga soo gaaraya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -