Shuruud lagu xiray in shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Maamulka Galmuudg Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud aan marti gelin karin shirka Galmudug, iyadoo aan la helin ciidamo ka tirsan dowlada oo suga amaanka.

Baadiyow ayaa sheegay in arrintan ay kala hadleen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliye Xasan Cali iyo Khayre iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Sheekh Shaakir ayaan kulamo la qaadanay waana u sheegnay in meel aan amnigeeda sugneyn oo aysan si buxuda gacanta ugu heyn Ciidamada Federaalka aan shirka lagu qaban karin” ayuu yiri Baadiyow.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ahlu-Sunna Waljameeca ay ballan-qaadeen in dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka amniga guud ee magaaladaas la wareegi doonaan.

Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo la doonayey in la geeyo magaalada dhuusamareeb ka dib markii ay arintaas ka hor yimaadeen kooxda ahlu suna ee magaaladaas maamusha inkastoo hadda wararku sheegayan iney ka soo debceen mowqifkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -