Ciidamo Itoobiyaan oo gaaray Dhuusamareeb iyo shaki xoogan oo laga muujiyey

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo dhowaan lagu wado inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ka soo talaabeen xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.

Lama oga illaa hadda sababta ay ciidamada Itoobiya u tageen Dhuusamareeb iyo ujeedadooda, dowlada Somaliyana illaa hadda wax war ah kama soo saarin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay kuwa dowlada gacan ka siinayaan sugida amaanka doorashada hogaanka maamulka Galmudug ee dhowaan ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Siyaasiyiin iyo dad kale ayaa shakiyo kala duwanka muujiyey imaanshaha Ciidamada Itoobiya ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga cabsi qabo iney saameyn ku yeeshaan doorashada, waxaana dad badan ay maanka ku hayaan wixii sanad ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo ka dib markii ciidamada Itoobiya ay soo xireen Mukhtaar Roobow oo laga cabsi qabay inuu doorashada kaga guuleysto musharaxa ay taageereysay dowlada oo ahaa Cabdicasiis Laftagareen, waxaana arintaas ka dhashay rabshado sababay iney dad badan dhintaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -