Madaxweyne Muuse Biixi oo loogu baaqay in uu si deg deg ah isku casilo

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland shir jaraa’id ku qabtay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani C/raxmaan Cirro , waxa uuna kaga hadlay arimo Xasaasi ah.

Siyaasiga C/raxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu si deg deg ah isku casilo, waxa uuna ku eedeeyay in dadka Somaliland uu khiyaanay beena u sheegay.

Waxa uu sheegay Cirro in heshiiskii Dekadda Berbera lagula wareejiyay Imaaraatka Carabta looga been sheegay shacabka Somaliland , waxa uuna shaaciyay in waxa la sheegay iyo wax meesha yaal ay kala duwan yihiin.

Cirro ayaa ku tilmaamy Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu yahay dambiile qaran oo hog madow ku riday shacabka Somaliland, waxa uuna ku eedeeyay Siilaanyo Khiyaano weyn uu sameeyay.

Somaliland ayaa xiiso waxaa ka dhax dhaliyay hadalkii kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo sheegay in aysan aqoonsaneyn Somaliland ayna heshiiska Dekadda Berbera la galeyn Dowladii hore ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -