Saraakiil ciidan oo laga dhigayo Gudoomiyaal Degno iyo Cumar Filish oo ka hadlay sababta

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid soo hagaagaya, laamaha amaanka ayaana qeybo kamid ah magaalada ku qabtay xubno geestay falalka amaanka lidi ku ah sida dilal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa shalay degmada Dayniile kulan kula qaatay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ,kulanka ayaana looga hadlayay dar dar galinta howlgalada amanaka lagu xaqiijinayo.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa faray gudoomiyaasha degooyinka gobolka Banaadir in wada shaqeyn dhaw la yeeshaan saraakiisha ciidanka milatariga iyo kuwa booliiska si la isaga kaashado xaqiijinta amaanka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish ayaa ku hanjabay in hada waxii ka dambeeya guddoomiyihii degmadiisa dad lagu dilo ee soo qaban waaya qofkii dilka geystay uu xilka ka qaadi doono.

Waxa uu sheegay Cumar Filish in Gudoomiyaal degmo u magacaabi doono saraakiil ciidan oo katirsan milatariga oo heesta gaadiid dagaal kuwaa uu sheegay in ay soo qaban karaan dadka dilalka geesta.

Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa u badan dhalinyaro aan laheyn khibrad ciidan sidoo kale aan heesan ciidan marka laga reebo tiro ciidamo ah oo ilaaliya xarumaha degmada iyo guryaha ay degan yihiin.

Dadka amaanka falanqeeya ayaa aaminsan in saraakiil ciidan oo laga dhigo gudoomiyaal degmo ay wax badan ka tareyso amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkan dambe soo hagaagaya.

Cumar Filish oo nin ciidan horey u ahaa ayaa laga yaabaa in uu Gudoomiyaal degmo ka dhigo saraakiil iyo dad kale oo arimaha ciidanka kasoo shaqeeyay si ay gacan uga geestaan xaqiijinta amaanka caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -