Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay hub daxaleystay oo laga helay..(Sawirro)

Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa sheegay in hub ay ka heleen guri ku yaala Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Goobta hubkan laga helay ayaa waxaa sidoo kale booqday Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka Maaliyada ee gobolka Banaadir Ibraahim Dheere iyo saraakiil ciidan.

“Guri ku yaala degmada hoolwadaag ayaa waxaan ka qabanay waxyaabaha qarxa oo gurigaas ku aasnaa waxaan baaritaan ku wadnaa guriga iyo dadkii deganaa, waxaan u mahad-celinayaa shacabka degmada oo xogtaan nala soo wadaagay” ayuu yiri Tuulax oo shir jaraa’id ku qabtay guriga uu sheegay in laga helay waxyaabaha qarxay.

Sawiro laga soo qaaday hubkan ayaa muujinaya tiro madaafiicda loo isticmaalo hoobiyaha oo u muuqda kuwo daxaleystay oo muddo dheer aasnaa, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in daadadkii ka jiray Muqdisho ay soo saareen hubkan.

“Dhowr madfac oo daxaleystay in shacabka looga dhigo wax weyn oo warbaahin la iskugu yeero, la iskuna sawiro waa arrin aan loo baahneyn, waxqabad intaas ka weyn ayaa looga fadhiyaa raggan dhalinyarada ah ee maamulka haya, kaliya waxaa loo baahnaa iney meesha ka qaadaan, meel ku haboona geeyaan” ayuu yiri oday ka mid ah dadka degaanka la yaabanaa masuuliyiinta meesha iskugu timid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -