Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray khilaafka DF iyo Maamul goboleedyada dalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dib u billaabaan wadahadalkooda si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya.

Warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay inay walaac ka qabaan in khilaafkaasi uu caqabad ku noqon karo fulinta ajandayaasha qaran.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaallada lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka dalka lagu qabto sanadda 2020.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda si nabad ah, oo hufan ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo la qaaday.

Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socodka doorashada ay tahay inuu noqdo mid loo dhan yahay, kaasoo oggolaanaya ka-qaybgal dhammaan degaanada gobollada dalka oo dhan iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30% ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay ballanqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ka geysatay Madasha Iskaashiga Soomaaliya 2dii Oktoobar ee sannadkan, kaasoo ahaa in la qaato sharciga doorashada illaa Disembar 2019.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -