Maxkamad Go’aan ka gaartay Dood ka dhalatay Gabdho Diinta Islaamka Qaatay (Sawirro)

Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xukmisay inay si iskood ah u qaateen diinta Islaamka laba gabdhood oo walaalo Hindu ah, kana soo jeeda gobolka Sindh, kuwaas oo la tuhunsanaa in la afduubtay laguna qasbay inay guursadaan raggooda oo Muslimiin ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in gabdhahan oo kala ah Nadia, oo 18 jir ah, iyo Asia oo 19 jir ah, kuwaas oo horey loogu magacaabi jiray Reena iyo Raveena ay yihiin dad qaan gaar ah, sidaas darteedna ay xor u yihiin inay naftooda go’aan ka gaaraan, sida uu dhigayo sharciga Pakistan.

Xukunka maxkamadda ayaa ka dhashay baaritaanka guddi shan xubnood ka kooban oo la dhisay kadib markii gabdhahan ay diiwaan-geliyeen codsi ay ku raadinayaan in laga bad-baadiyo qoyskooda.

Gabdhahan walaalaha ayaa sheegay in la dhibaateeyey islamarkaana loogu hanjabay qaadashada diinta islaamka iyo guursashada rag muslimiin ah darteed.

“Arrintan si qoto-dheer ayaan u baarnay, shaqsiyan ayaan ula kulmay gabdhaha iyo ragga guursaday, iimana muuqato inay yihiin gabdho la afduubtay ama diinta lagu qasbay” ayuu maxkamadda u sheegay Khawar Mumtaz oo ah guddoomiyaha guddiga.

Warka ku saabsan gabdhahan ayaa qabsaday Pakistan oo ah dal ay muslimiinta ku badan yihiin, kadib markii aabaha dhalay gabdhahan oo lagu magacaabo Hari Lal uu bishii tagtay kasoo muuqday muuqaal uu ku cambaareynayo maqnaanshaha gabdhihiisa oo u sheegay in la afduubtay.

- Advertisement -