Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro+Video) Saameynta Roobabku caawa ku yeesheen Wadada Maka Al-Mukarama

Magaalada Muqdisho in ka badan 30 saacadood waxaa ka socda roobab xooggan oo saameyn kala duwan ku yeeshay socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, khasaarooyin kala duwana geystay inkastoo kuleylkii jiray looga reystay.

Meelaha saameynta ay ku yeesheen roobabka ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarama oo ah mida ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Wadada ayaa waxaa caawa buux dhaafiyey biyo aad u fara badan iyo daadad ka soo rogmaday roobabka oo ka soo rogmaday xaafadaha taaga ee xiga dhinaca degmada Waaberi, iyadoo isku bedeshay sida webi oo kale.

Waxaa la arkayey gaadiid badan iyo mootooyinka bajaajka oo ku dhex damay biyaha laamiga buux dhaafiyey oo ahaa kuwo aan caadi aheyn, gaadiidka qaarkoodna waxaa qariyey biyaha laamiga qulqulayey.

Sidoo kale daadadka roobka ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ka mid ah goobaha ay biyuhu dhex fadhiisteen maqaayado, carwooyin, hotelo iyo dukaamo kala duwan.

Inkastoo aan weli la soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay roobabkan saacadihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho iyo nawaaxigeeda haddana waa roobabkii ugu waaweynaa ee magaalada ka da’da sanadahan dambe, waxaana roobabkan la saadaalinayaa iney sii socon doonaan maalmaha soo socda.

DAAWO VIDEO IYO SAWIRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weerartay bus ay shacab la socdeen & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Raisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdi uu horkacayo oo caawa ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali