Ninkii isku qarxin rabay Xafladii Ahlu suna oo Maxkamad ciidan la soo taagay

Maxkamadda ciidamada qalabka ayaa maanta Dhuusamareeb ka bilowday dhegeysiga kiiska nin bishii 5aad ee sanadkan ciidamada Galmudug ay ku qabteen magaalada Gurceel, xili uu doonayay inuu isku qarxiyo xaflad ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Maxamuud Cabdi C/raxmaan oo ah Ninka ay Maanta Maxkamadda u fariisatay dhageysiga Kiiskiisa ayaa la qabtay xili uu doonayay inuu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo Munaasabada ay dhigayeen Ahlusunna Waljameeca, taasoo ka dhacday Guriceel dhowr bilood ka hor, waxaana ku sugnaa madax ay ka mid ahaa Shikh Shaakir iyo xubno kale.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa waxaa lasoo taagay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyay inuu ahaa shaqsigii Guriceel keenay Maxamuud Cabdi C/raxmaan.

Maalmo ka hor waxaa Dhuusamareeb gaaray sarakiil uu horkacayo gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo xubno kale, kuwaasoo halkaas u tagay maxkamadeynta dad loo heysto dembiyo kala duwan oo uu ku jiro ninkan.

Saraakiisha Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo todobaadkii tagay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa halkaas ku xukumay ruux ka mid ahaa kooxdii weerartay xarun uu Gaalkacyo ku lahaaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiwali Sheekh Cali Cilmi Yare

Weerarkaas waxaa ku dhintay Sheekh Cabdiwali iyo xubno ka tirsanaa xertiisii, waxaana ninkaas oo nolosha lagu qabtay ay Maxkamadda ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -